info@uistaag.org

About Us

UISTAAG Soomaliya waa dhaqdhaqaaq Soomaliyeed oo ka welwesan qaabka siyaasadeed ay manta

Soomaaliya ku socoto iyo barnaamijka federaleynta oo u muuqda mid burburinaayo jiritaanka qaranka

Soomaliyeed. Dhaqdhaqqau wuxuu u olololeeynaa in ay muqaddas tahay jiritaanka qaran Soomalieed

oo lagu midaysan yahay, lana helo barnaamij keeni kara in la baahiyo maamulka dowladda, hase

ahaatee aan la lumen, lana ilaaliyo jiritaanka qaran mideeysan oo la jaan qaadi kara dowladaha casriga

ah iyo kuwa deriska ahba.

UISTAAG Ma Xisbi Siyaasadeed Baa?

UISTAAG xisbi ma aha, wax u diidaaya in mabaadida uu u taagan yahay loo helo xisbi siyaasadeed oo

hormariya ilaalinta jiritaanka qaranka Soomaaliyeed oo la isku keeno Soomaali nidaam ay nabad kuwada

noolaan karaan, dowlad casri ahna ku helaan, cadowga guudna meel uga soo wada jeestaan.

Maxaan aaminsan Nahay:

Waxaan aamin san nahay in Soomaali ay yihiin dad walaalo ah, oo diin, luqad iyo jinsi wadaa oo

khilaafaadkooda la xallin karo haddii ay helaan hoggaan daacad ah, karti leh, oo Alle uga baqa

masuuliyadda loo igmaday.

Sideen uga soo qeybgeli karaa?

Qof kasta oo muwaadhin Soomaali ah waa u furan yahay ka soo qebgalka iyo hoggaanka dhaqdhaqaaqa.

Waxaad iska sajili kartaa halkaan oo aad soo gudbin kartaa macluumaadkaada si lagula soo xiriiro.

Waxaad kaloo abaabuli kartaa magaalada ama dalka aad deggan tahay in la helo, Soomaali ka siman

ilaalin qaran, oo ka fogaada kala qebin bulsho oo ku saleeysan qabiil.

Sideen U aragnaa Xalka Soomaaliya

Dalkeena wuxuu u baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah, oo keenta in dib loo diyaariyo heshiis

bulshadeed oo lagu saleeyo qaran Soomaali oo leh shacab ka dambeeya. Qaabka hadda wax loo wado

oo la qabiileeyey qaran kuma imaan karo, ee waa in la helaa barnaamij dhaxal gal ah oo iswata oo ka

bilowda dibuheshisiin dhab iyo isu soo dhowaad bulshadeed. Waxyaabaha keena burburka qarankeena

waxaa ugu horreeya qabiileysiga, oo u baahan in bulshado ka fogaato. Barnaamijka xalka Soomaaliya ee

UISTAAG oo qoran ka fiiri halkaan.