info@uistaag.org

Uistaag

Stand Up For Somalia

Hannaan Lagu Gaaro Xal Siyaasasdeed

 Buruburka bulsho iyo tafaraaruqa siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyadu wuxuu salka ku hayaa jiritaan la’aanta dib u heshiisiin dhab ah iyo qabyo dastuuri ah oo baarlamaanka iyo Dawladduba  aanay waxba ka qaban saddexdii sano ee la soo dhaafay. Habka madaxweynanimada ee ku qotoma awood qaybsiga qabyaaladaysan ayaa hor taagan dhismaha dowlad wanaagsan oo gaarta heer walba sida arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo horumarka siyaasadda. Waxaa arrintaas ka dhashay in dowladda hadda jirta ay ka gaabisay siyaasadda Lixda Tiir (six pillar policy) oo ay degsatay sannadkii 2012-kii si dalka loogu diyaariyo doorasho xor ah oo caddaalad ah marka la gaaro sanndaka 2016. In kasta oo hoggaamiyayaasha siyaasadda Soomaaliyeed iyo xubnaha beesha caalamka ee faraha kula jira hannaanka siyaasadda dalka ay bixinayaan aragti kala duwan oo ku saabsan habkii horay loogu socon lahaa, shacabka Soomaaliyeed badidi ahaanba waxaa ka dhaadhacsan in sidii hore wax walba iska sii ahaanayaan oo oo ay ka rajo gaabiyeen nidaamka lagu kala qoqobayo Soomaaliya iyadoo loo kala qaybinayo gobollo qabyaaladaysan oo haddaan laga hortagin keeni doona burbur qaran oo kaamil ah inta aan la gaarin sannadka 2020. Hannaankaas gurracan ee Soomaalidu ku socoto waa la sixi karaa haddii isbaddelladan soo socda lagu dadaalo oo loo istaago:

  1. In la dhamaystiro lana saxo dastuurka oo la waafajiyo rabitaanka shacabka;
  2. In la sameeyo hannaan dowladeed oo baarlamaani ah oo laga baxo nidaamka “presidential”ka loo yaqaan oo awooda loo qeybiyey qabiilo;
  • In uu baarlamaanku soo xulo madaxweyne awooddiisu koobantahay (ceremonial);
  1. In uu baarlamaanku xulo dowlad tayo leh oo uu hoggaamiyo ra’iisal wasaare noqda “madaxa xukuumadda”;
  2. In lagu koobo qaacidada awood qaybsiga 4.5 heerka baarlamaanka keliya oo inta ka soo harta la raaco xulasho karti ku salaysan oo ay ka dhex muuqdaan haweenka iyo beelaha kala duwan heer walba oo dowladeed;
  3. In la adkeeyo hay’adaha federaalka iyo xiriirka ka dhexeeya maamul goboleedyada;
  • In la xoojiyo, lana tababro oo la qalabeeyo ciidamada boliiska iyo milatriga qaranka; iyo
  • In la diyaariyo waqti lagu soo gunaanado faragelinta beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya oo ay shacabka iyo dawladda Soomaliyeed ay muujiyaan in ay gaareen bisayl siyaasadeed oo ay adduunka la jaan qaadi karaan.

Xogta laga ururiyay wada hadalka dadka Soomaaliyeed iyo aragtidooda ku saabsan habka horay loogu socon karo maadaaama aysan dhicin karin cod doorasho oo shakhsiyadeed (one man, one vote) waxaa ka soo baxay aragtiyo kala duwan oo horay loogu dhaqaajin karo siyaasadda, waxaana ka mid ah:

B: In waqti loogu daro baarlamaanka ama hay’adaha kale ee dowladda federaalka ah. Taladaan waxay tixgelin siinaysaa in waxa dhisan ay sii socdaan iyo in baarlamaanku yahay hay’adda ugu xalaalsan ee manta jirta, hase yeeshee waxay taladani ka dhigantahay in wax walba sidooda loo daayo oo aan isbeddel siyaasadeed dhicin.

T: Axsaab siyaasadeed oo sida ay u kala cod bataan u kala matalaad bata: taladaan waxay ku qotontaa dhismaha tiro kooban oo axsaab siyaasadeed ah, si ay cod bixiyayaashu ay dalka oo dhan si madax bannaan ugu soo doortaan xisbiga ay doonaan. Waxaa ayaan darro ah in duruufta siyaasadeed iyo nabadgelyadba aysan suurto gelinayn in doorasho noocan ah la qabto.

J: Doorasho dadban oo heer degmo ah: Qorshahaan la soo jeediyay wuxuu rabaaa doorasho qaran oo ku salaysan degmooyinkii 1990kii oo ay hadda ku tartamayaan dowlad goboleedyada qabyaaladaysan.

X: Dowlad goboleedyada in laga tala geliyo soo xulidda xildhibaannada: taladan waxay siinaysaa maamul goboleedyada qabiilaysan awood xad dhaaf ah ay ku soo xulaan xildhibaannada; iyo ugu dambayntii,

KH: Metelaadda Sugan (Enhanced Legitimacy), oo ku doodaysa in maamul goboleedyada, baarlamaanka federaalka, guddiga doorashada qaranka, xisbiyada siyaasadda iyo oday dhaqameedku in ay kaalin ka wada qaataan nidaamka siyaasadda.  Taladaan waxay u baahantahay waqti dheer, xeerar baarlamaan oo la dejiyo, samaynta axsaabta siyaasadda oo heer qaran ah iyo in la helo cod-bixiyayaal dareensan   muhiimadda dowladnimada si loo meel mariyo barnaamijkaas cilmiyeeysan. Sanado badan ayaa naga xiga hirgelinta taladaan oo runtii noqon karta mid macquul ah, waa haddii laga hawl gelo.

Marka laga reebo qoboka B, qorsheyaalka aan kor ku soo xusnay oo dhan waxay u baahan yihiin waqti dheer oo lagu dardar geliyo oo hadda aanan fursad loo hayn. Waqtiga oo la kor dhiyana waxba kama beddelyso xaaladda, maadaama aan saddexdii sano la soo dhaafay-ba wax la qaban.

Dowlad Ku Meel Gaar ah (Provisional)oo la dhiso muddo afar sano ah.

Annaga waxaan qabnaa in la dhiso dowlad ku meel gaar ah (provisional) oo barlamaani ah oo dalka hagta afarta sano ee ka bilaabata 2016-2020. Maadaama baarlamaanku uu yahay hay’ad kulmisa shacabka Soomaliyeed, iyadaa mudan, in looga dambeeyo hoggaanka qaranka, si looga ilaaliyo in kooxo barnaamijyo gaar ah wata ay xilka dalka ula wareegaan, iyadoon si dhab ah looga fiirsan. Welweka dadku ka qabo baarlmaanka ma sii jiri doono, haddii ay ogaadaan in maslaxadda qaranka ay gacantooda ku jirto oo dadkuna kula xisaabtamaan. Mar hadii la soo doorto baarlamaan cusub oo 275 xubnood ka kooban oo uu xildhibaan walba helo cod 100 xubnood ah oo beeshiisa metela, laguna saleeyo aqoon iyo karti, waxaa la helaayaa baarlamaan tayo leh oo dariiqa saxa ah ku haga Soomaliya. Baarlamaanku wuxuu soo dooranaayaa Madaxweyne aan awood dowli ah lahayn (ceremonial), iyo Ra’isal Wasaare tayo leh oo noqda madaxa xukuumadda, oo hoos yimaadda baarlamaanka. Hawsha Madaxweynaha aan awood xukuumiya lahayn waxay noqoneeysaa hawshiisa madaxa qaranka Soomaliyeed (head of state), horumarinta isku xirnaanshaha bulshada iyo siyaasadda iyo in uu ahaado mid u taagan ilaalinta qarannimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Koowaad, hawshiisa waxay tahay in uu yahay hoggaanka xukuumadda masuuul-na ka yahay soo xulidda wasiirada xukuumad tayo leh oo ku saleeysan aqoon, karti iyo dad isku dhafan dhan deegaan oo dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay ay ka dhex muuqdaan.

Dowladda cusub ee provisional-ka waxay ka hawl galeeysaa qodobadaan muhiiimka u ah qaranka, lagulan xissabtamo  muddada afarta sano ay haysato:

 

  1. In ay ilaaliso oo horumariso danaha qaranka si sharaf mudan, karti ku qotonta, oo aan qarsoodi ahayn hawlaheeda.
  2. Horumarinta difaaca qaranka: Samaynta xeerarka nabadgelyada iyo diyaarinta ciidan Soomaliyeed oo tababaran oo qalabkooda u dhan yahay, lana helo qorshe cayiman oo ay kagala wareegaan xilka ciidamada martida ah ee Amisom, loona helo xal siyaasad iyo mid milateri sidii dalka xasilooni uga dhici lahayd.
  3. Dhismaha iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowliga iyo kobcinta dhaqaalaha: Diyaarinta siyaasad iyo barnaamijyo lagu horumarniaayo hay’adaha dowliga, laguna kobcinaayo dhaqaalaha dowliga iyo midka gaarka loo leeyahay.
  4. Adeegyada bulshada iyo midda gargaarka oo la baahiyo, lana furo xafiiisyo metela hayadaha qaranka oo ka furan xaruumaha dowlad goboleedyada iyo dalka oo dhan;
  5. In la kobciyo fahamka muwaadinka qaranka oo nidaam federaali ah ku dhisan, lana xakameeyo muwadin goboleed ama qabiil ku qotoma si loo diyyaariyo codayn xor ah oo dhacda sannadka 2020 iyadoo lala imaanaayo qorshe cayiman oo muddaysan (roadmap).

Qorshaha ku meel gaarka ah ee horusocodsiinta Siyaasadda 2016

  1. In aanay jirin wax waqti kordhin ah oo la siiyo xukuumadda iyo barlamaanka-ba;
  2. In la abaabulo barnamij doorashooyin iyadoo la soo doorto 275 Xildhibaan oo tayo leh. Hayadaha dawliga sidooda ayeey u shaqeeynayaan inta laga gaarayo xil30b wareejin sharci ah muddo aan ka badneyn 90 casho;
  3. Waxaa lasoo xulaayaa guddi xulasho ergooyin (Constituent Assembly) oo ka kooban 27,500 qof kuwaas oo halkii xildhibaan-ba ay soo doortaan 100 xubnood; Dowlad goboleedyada waxay gacan ka geeysanaayaan abaabulka soo xulidda guddiga ayadoo la kaashaneeysa oday dhaqameedyada, culumauddiinka, ururada bulshada, haweenka, dhalinyarada iyo dowladda federaalka;
  4. Waxaa la soo xulayaa 275 xubnood oo baarlamaan oo ku saleysan nidaamka 4.5 inta laga gaarayo barnaamij ka haboon oo lagu bedelo, hase ahaatee ay leeyihiin aqoon heer dugsi sare iyo wax ka badan;
  5. Xulasho afhayeenka barlamaanka oo lagu helo cod 2/3 dheeri ah;
  6. In baarlamaanku deg uga hawl galo sharciyeeynta xeerar cusub oo lagu adkeeynaayo dastuurka muddo 60 maalmood ah;
  7. Baarlamaanku wuxuu dooranaayaa madaxweyne aan awood xukumad lahayn muddo 75 maalmood gudahood ah;
  8. Baarlamaanku wuxuu magacaabayaa guddi qaran oo soo xula shanta qof ee ugu mudan aqoon, tayo, karti, iyo hufnaan marka loo eego in ay buuxiyaan xilka wasiirka koowaad ee dalka, kaasoo aan ku hayb aheyn madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.;
  9. Waxaa lagu soo xulaayaa wasiirka koowaad cod 2/3 dheeri ah ama haddii la waayo 50+ 1 (138 MPs) oona uu helo kalsooni madaxweyne;
  10. Wasiirka koowaad wuxxuu u madax bannaan yahay in uu soo xulo muddo 30 cisho gudahood gole wasiir oo aan ka badneyn 18, oo ku saleeysan karti, isku dheeli tirnaan guud ee deegan, iyo tixgelinta haweenka iyo daka laga badan yhay.
  11. Cod 2/3 dheeri ah ayaa lagu ansixinaayaa ama haddii la waayo 50+1 oo uu madaxweynaha qaranka kalsooni ka helo;
  12. Isbeddel heer wasiir oo ka badan 3 inta uu wasiirka koowaad xilka haayo, waxay u baahan tahay cod barlamaani ah oo 2/3 dheeri ah ama 50+1 oo ay la socoto kalsooni madaxweyne.

 

Adkeynta Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada

Si loo xoojiyo xiriirka habsami u socodka iyo wada shaqeynta dowladda federaalka iyo xubnaheeda waa in baarlamaanku dejiyaa muddo lixdan cisho gudahood ah shuruuc adkeyneeysa xiriirkaas, yareeyneeysana khilaafaadka joogtada ah oo u horseeda jahawareerka siyaasiga ah oo keena aflagaado iyo dhaqan xumo dowladeed. Qodobadaan hoose haddii lagu kordhiyo shuruucda dalka waxay daboolayaan daldalooda muuqda ee manta jira, waxayna si cad u qeexeeysaa hab maamuus loo wada shaqeeyo:

  1. Dowladda Federaalka waa in ay gacmaha kala baxdaa maamulka hoose ee dowlad goboleed-yada oo wixii khilaaf ah lagu xaliyaa nidaam sharci ah oo waafaqsan datuurka;
  2. Xeerarka qaranka waa in ay mar walba ka sarreeyaan xeerarka dowlad goboleeda. Markuusan jirin xeer qaran, xeerka dowlad goboleedda ayaa dhaqan gelaaya. Baarlamaanku waa in uu xaddidaa xuduudda xeerka federaaliga iyo xeerarka dowlad goboleedada lana ilaaliyaa.
  3. Si loo xakameeyo madaxweeynaasha is daba socda, waa in lagu magacaabaa madaxda dowlad goboleedda magaca ah “Hoggaamiye ama Premier” oo loo daayaa magaca madaxweyne kan qaranka metela oo keliya. Dalku wuxuu mar walba lahaanayaa hal madaxweyne iyo hogaamiye goboleedyo kooban;
  4. Xuduudaha dowlad goboleedyada waa in ay ku ekaadaan cashuur qaad iyo ka qeybgalis codayn iyo hawl qabada dowli ah oo aaney noqon xuduudo dadka kala xira oo qabiileysan;
  5. Wasaaradaha warfaafinta iyo waxbarshada waa in loo igmadaa kobcinta iyo horumarinta muwaadinnimada Soomaliyeed iyo sameeynta barnaamijyo isu soo dhoweeynaya soona dhisaaya walaaltinimada Soomaliyeed;
  6. Hayadaha dastuuriga ee harsan oo ay ka mid yihiin maxkamadda dastuuriga ah iyo aqalka sare ee baarlamaanka waa waa in la dhamsystiro. Aqalka sare ee baarlamaanka wuxuu xal u helayaa khillafaadka jira, horumarinayaa isu soo dhowaanshaha bulshada Soomaliyeed iyo kobcinta wada jirkooda.

 

Wixii faahfaahin ah fadlan la xiriir dhaqdhaqaaqa Uistaag Somaliya standupforsomalia@gmail.com or uistaagsomaliya@gmail.com

3 Responses

Leave a Reply